Xilli aad loo hadal hayo weerar Israel kaga aar-goosanayso Iran ayaa waxaa soo baxayo inay maamulayaasha Milliteriga Iran bilaabeen hawlgalo iyo Taatiko Milliteri si looga hortago Duullaanka xilli kasta Israel laga filan karo.
Guud ahaan qeybaha Ciiddamada Iran ayaa la sheegay in Heegan Buuxa la geliyey, iyadoo ay socdaan Dhaqdhaqaaqyo Aagag cusub loo dhigi lahaa Gantaallada Balaastikada, kuwa Ridada Dheer, Diyaaradaha Darooniska iyo Maraakiibta Dagaalka.
Telefishinka Maraykanka ee ABC News ayaa qoray inay Mas’uuliyiinta Dowladda Iran iyo kuwa Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga Iran ee IRGC ay gabaad ahaan u galeen Guryo Amni ah, oo qaarkooda ay ku yaallaan dhulka hoostooda.
Telefishinka ABC News waxa uu ka soo xigtay Mas’uul weyn oo Maraykan ah oo sheegay inay Mas’uuliyiinta Dowladda Iran iyo Taliyayaasha Ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran ay l soo gudboonaatay Xaallad Jahwareer ah, lana filan karo Duqeymaha Israel.
Xafiiska Wararka Muqdisho