September 18, 2024

Ugu yaraan meydadka 65 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga helay xabaal wadareed ku taalla dalka Libya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in xabaal wadareed ay ku jiraan meydadka ugu yaraan 65 tahriibayaal ah laga helay dalka Liibiya.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in xaaladda geeridooda iyo dalalka ay u dhasheen aan ilaa hadda la garanayn balse ay rumaysan yihiin in ay ku dhinteen iyaga oo si qarsoodi ah uga tahriibay saxaraha kuna sii jeeday badda Mediterraneanka.

Hay’addan oo qayb ka ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay inay “aad uga naxday” daahfurka warkan.

Liibiya ayaa baareysa, sida ay IOM tiri.

Xabaasha ayaa la sheegay in laga helay Koonfur-galbeed ee Liibiya.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply