January 25, 2025

Qeynuunka cusub waa uu quseeyaa kooxaha dhiirogeliya fakradaha ku saleysan dagaalka, naceybka ama kalasoocida iyadoon dambiile laga dhigeyn

Xoghayaha jaaliyadaha Michael Gove ayaa sheega in kororka xagjirinada ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza ay UK ku keentay halis dhab ah.

Hadalada dowladda ee xagjirinada ayaa waxaa dhaliilay kuwa u dooda xorriyadda madaniga, ururada bulshada iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

Jonathan Hall oo dowladda u qaabilsan in uu dib u eegis ku sameeyo qeynuunka argagixisada ayaa ka digay in siyaasad cusub ay dhaawaceyso sumcadda UK.

Ururada ay dowaldda dooneyso in ay argagixisada ku darto weli lama shaacin balse waxaa la sheegay in la daabici doono toddobaadyada soo socda.

Zara Mohammed oo ah madaxweynaha golaha Muslimiinta Britain ayaa BBc Newsnigth u sheegtay in qeexiddan cusub ay horseedeyso in si cadaalad aheyn loo beegsado Muslimiinta

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply