October 5, 2024

Ururka Xamaas ayaa hindise xabad-joojin oo dhowr qodob ka kooban u gudbiyey qolyaha dhexdhexaadinta ka dhex wada iyaga iyo Israa’iil, kaas oo ay ku jirto in labada dhinac ay maxaabiis is weydaarsadaan.

Hindisaha Xamaas waxaa ku jira in Israa’iil ay xabsiyada ka sii deyso maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan in ka badan 100 maxbuus, kuwaas oo ku xukuman xabsi daa’im, taas beddelkeedana ay sii deynayaan maxaabiista haweenka, dadka da’da ah iyo carruurta ee ay Israa’iil ka haysataan.

Hindisaha Xamaas oo nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka Reuters, islamarkana Mareykanka lala wadaagay, ayaa dhigaya in Xamaas diyaar u tahay in ay ugu dambeynta maxaabiista ay hayaan oo dhan ku beddeshaan 700-1000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israa’ii.

Xafiiska Ra’isul Wsaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa khamiistii sheegay in hindisaha Xamaas uu weli ku saleyan dalabaad khiyaali ah, wuxuuna intaas ku daray hindisaha la horgeyn doono golaha dagaalka, dabadeedna dood la gelin doono Jimcaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply