Ururka Saxafiiyinta Qaranka Soomaaliyeed National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay Tababar.
Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Magaalada Muqdisho kusoo gaba-gabeeyay tababar la xariira Baarista Saxaafadda (Invistigitive Journalism) kaas oo ay iska kaashadeen qabashadiisa Ururka Nusoj iyo Australian High Commission, Kenya .
15 Wariye oo ka kala socdey Muqdisho iyo maamulada dalka ayaa ka faa’ideystay tababarkaan oo soconayay mudo 3 cisho ah, kaas oo ay bixinayeen khubaro u kala dhalatay dalalka Australia, Uganda iyo Somalia.
Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Omar Faruk Osman, ayaa Saxafiyiinta ka qayb-galaysha ku dhiiri- galiyay inay aqoontaan ka faa’iidaystaan sidoo kalana ay uga sii faa’iideeyaan Saxafiyiinta kale ee aan helin fursadaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho