Xamaas ayaa soo bandhigtay dalabaadyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay maxaabiis falastiiniyiin ah ku beddelato kuwa ay Qasa ku haysato iyo dib u dhiska Qasa, taasoo jawaab u ah soo jeedinta xabbad joojinta ee ay taageertay Israa’iil.
Kooxda hubaysan ayaa doonaysa in ay si buuxda uga baxaan ciidamada Israa’iil oo ay joojiyaan dagaalka ka dib saddex waji oo xabbad joojin ah oo socon doona muddo 45 maalmood ah.
Dalabkan ayaa ula muuqda mid aan la aqbali karin ra’iisul wasaaraha Israa’iil, kaasoo ku baaqay “guul guud” oo laga gaaray Qasa.
Su’aashu waxay tahay ma la isugu imanb karaa meel dhexe si howsha loo sii wado.
Jawaabta Xamaas ayaa ah mid looga soo horjeedo hindise xabbad-joojin ah oo ay taageerayaan Israa’iil iyo Maraykanka oo ay dhexdhexaadinayaan Qatar iyo Masar – oo aan faahfaahintiisa si rasmi ah loo shaacin.
Marka loo eego qabyo qoraalka dukumeentiga Xamaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay soo jeedinaysaa:
- Joojinta ugu horreysa ee 45-ka maalmood ah, taas oo inta lagu guda jiro la sii deyn doono dhammaan haweenka Israa’iil ee la haysto, ragga da’doodu ka yar tahay 19, waayeelka iyo kuwa buka ayaa lagu beddeli doonaa haweenka Falastiiniyiinta iyo carruurta lagu hayo xabsiyada Israa’iil. Ciidamada Israa’iil ayaa ka bixi doona goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qasa, waxaana bilaaban doona dib u dhiska isbitaalada iyo xeryaha qaxootiga
- Wejigii labaad waxaa rag Israa’iiliyiin ah oo la haystayaal ah lagu beddeli doonaa maxaabiis falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israa’iil oo si buuxda uga baxaa Qasa xilligaas
- Wejigii saddexaad ee ugu dambeeyay oo ay labada dhinac isweydaarsan doonaan hadhaaga iyo maydadka
Heshiisku wuxuu sidoo kale dabooli doonaa gaarsiinta cuntada iyo gargaarka kale ee Qasa oo sare loo qaado. Dhammaadka 135-ka maalmood ee dagaalka, Xamaas waxay sheegtay in wada hadallada dagaalka lagusoo afjarayo ay bilaaban doonaan
Office Nairobi Kenya