Waaxda amniga ee Ukraine, SBU, ayaa daaha ka qaadday musuq maasuq lagu iibsaday hub militari oo ku kacaya ku dhawaad 40 milyan oo doollar.
Baaritaanku wuxuu diiradda saarayaa shan qof oo sarsare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo alaab-qeybiyaha gaar ahaan hubka.
Musuqmaasuqa ayaa muddo dheer caqabad weyn ku ahaa dadaalka Ukraine ay ugu jirto inay ku biirto Midowga Yurub.
Baaritaanka SBU ayaa daaha ka qaaday in saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo maamulayaasha Lviv Arsenal oo ah shirkadda hubka keenta, ay ku lug lahaayeen lunsashada ku dhawaad 1.5 bilyan.
Baaritaanka ayaa saameynaya saraakiisha difaaca ee hore iyo kuwa hadda xilka haya iyo madaxda shirkadaha xiriirka la leh.
Office Nairobi Kenya