Wafdi isugu jira dowladda Sweden, Hay’adda Horumarinta caalamka ee Sweden (SIDA) iyo madax ka socotay UNDP ayaa maanta waxa ay booqasho ku kala tageen xarumaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA, waxaana ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wafdigaan ayaa ugu horreyn waxa ay booqashadooda ku hormareen xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah, iyaga oo kormeeray xafisyada kala duwan ee xaruntan oo ay dowladda Sweden maalgalisay dhismaheeda, waxaana dhanka kale warbixin kooban siiyey wafdigan Maareeyaha xarunta NEOC Xasan Cabdulqaadir, isaga oo uga warbixiyey guulaha hay’adda gaartay, qorshayaasha hay’adda, caqabadaha iyo howlaha hortabinta u leh hay’adda SoDMA

Dhanka kale wafdigaan ayaa intaa kadib waxa ay kormeer ku tageen xarunta dhexe ee SoDMA, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, waxaana sidoo kale ay kormeer ku tageen xarunta ka digista halis-wadareedka ee SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada ay ku bixiso dhismaha xarunta NEOC ee hay’adda SoDMA, iyo sida ay marwalba u garab taaganyihiin guud ahaan Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.


Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply