Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa gaaray Urdun lagutiisa labaad booqashadiisa u dambeysay ee bariga dhexe.

Waxa uu la kulmayaa Boqor Cabdalla iyo madax sare oo kale, waxayna wadahadaladooda diiradda ku saarayaan sidii loo kordhin lahaa gargaarka gaaraya Gaza. Sidoo kale wuxuu Mr Bilinekn uga mahadceliyay Urudun gacantii ay ka geysteen weerarkii Iran ee lagu qaaday Israel.

Mr Blinken wuxuu u sii gudbi doonaa Israel si uu ugala hadlo wadaxaajoodka ujeedkiisu yahay xabadjoojin KMG oo gaza ka hirgasha iyo siideynta maxaabiista.

Balse booqashadiisa ka hor ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israel ay weerar ka dhan ah Xamaas ku qaadi doonto Rafax hadii lagu heshiiyo xabad joojin iyo sii deeynta maxaabiista iyo hadaan lagu heshiin.

Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in dagaalka oo la joojiyo ka hor inta aan la gaarin ujeedka ah in la jabiyo Xamaas aysan su’aal ka taagneyn.

Xamas weli kama jawaabin qorshaha u dambeeyay ee xabadjoojinta wadahadalada Qaahira. Dowladda Israel waxay sheegtay in aysan wafdi u direyn Masar ilaa inta laga ogaanayo go’aanka Xamaas.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply