Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo ku dhex marayay Maleeshiyo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa sheegaya in la kala qaaday Maleeshiyaadkii halkaad ku dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cumar Maxamed Diiriye Guureeye, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen Maamulka Gobolka Mudug kana Degmada Gaalkacyo, Odoyaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa gaaray deegaanada Saax-wanaag iyo Laanwaalay.

Degaannad ay mas’uuliyiintaan gaaree ayaa dhawaan waxaa uu dagaal ku dhexmaray dad Xoolo dhaqato ah oo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, waaana ay ku guulaysteen inay soo qaadaan Ciidamadii xoola Dhaqatada kasoo jeeday dhinaca Galmudug.

Kala qaadista Ciidamada ayaa ka dambaysay kadib markii shalay kulan uu dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntlanad isla markaana xal looga gaaray xiisadda ka taagan Deegaanada Hoos yimaada Saaxqurun.

Sidoo kale Odoyaasha degaanka ayaa soo dhaweeyey kala qaadista Ciidamada iyo Waan waanta ay wadaan Maamulada Galmudug iyo Puntlanad, waxayna balanqaaden dhaqan galinta Is afgaradka labada Dhinac.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply