December 4, 2024

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali oo ay wehlinayeen Taliyaha qyebta Booliska Gobolka Mudug iyo Taliyaha Madaxtooyada ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaad shalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Ganacsade Axmed Tahliil.

Ciidamada ay hoggaaminayeen mas’uuliyiintaan ayaa hareereeyeen maleeshiyaadka oo hubeysnaa xilli ay ku  sugnaayeen ku taal duleedka Degmada Bursaalax, iyaga oo ugu dambey ku guuleysten 5 rag ah oo ku eedeysan dilka Ganacsatada.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa loogu mahad celiyay Shacabkii laamaha amniga kala Shaqeeyay soo qabashada raggaas, isla markaana ay cadaalad marsiin doonaan maleeshiyaadkaas.

Sidoo kale Horay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo degaano hoostaga waxaa uga dhacay colaad beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, kuwaas o intooda badan xal laga gaaray.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply