Saacado kadib markii barlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen dhameestirka dastuurka waxaa goor dhawayd Qoraal soo saaray Dowladaha taageera Somaliya.

 Beesha Caalamka ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhowaysay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaagga, sida qabya tirka Dastuurka.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri, “Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa doorka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.”

Sidoo kale beesha caalamka ayaa farriin u dirtay saamileyda siyaasadda dalka, kuwaas oo loogu baaqay inay u hoggaansamaan hanaan wadar-ogol ah oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah.

Xafiiska Wararka Muqdishi

 

Leave a Reply