Wararka ka imaanaya  Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dgaal xooggan uu haatan ka socdo xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan oo ka socda deegaanka Iji ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Maleeshiyo beeleedkan oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku haya muran dhul beereed halkaasi ku yaalla, oo u dhaxeeya labada beelood oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal.

Dhinaca kale  gurmadyo kakala tagay Hiiraan iyo Howhar ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray halkaas.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

Leave a Reply