Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa soo afjaray howlgal socday 10-maalmood oo ay ku baadi goobayeen labo xubnood oo ka tirsanaa ciidamada badda kuwaas ii lagu waayay xeebaha Soomaaliya habeenimadii 11-kii bishaan Janaayo.

Labadaan qof ayaa la waayay xilli ay isku dayeen in ay qabtaan doon hub sidday.Mid ka mid ah xubnaha ayaa ku dhacay biyaha xilli habeen ah iyadoo kan labaad-na uu ka booday doontii. Midkoodna dib looma arkin markaa kadib.

“Waxaan ka xunahay inaan ku dhawaaqno in baaritaan dheer oo socday 10 maalmood ka dib, labada qof ee naga maqan ee Ciidanka Badda ee Mareykanka aan la helin, xaaladdoodana loo maleynayo in ay dhinteen,” sidaasi waxaa sheegay Taliska dhexe ee Mareykanka.

Ciidamada Japan iyo kuwa Isbaanishka ayaa gacan ka geystay baadigoobka, iyaga oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado meelo ka tirsan gacanka-cadmeed.

Ciidamadan oo ah kuwa sida aadka ah u tababaran ee badda ayaa qeyb ka ahaa cutubyo ka tirsan ciidamada badda oo ka hortagaya hubka iyo shixnadaha kale ee sharci darrada ah ee gobolka, iyadoo aan la xiriirin howlgalka socda ee lagu ilaalinayo maraakiibta ku sugan badda cas ee weeraradu kaga imaanayaan kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

 

 

Leave a Reply