Waxaa goor dhawayd saxaafada la hadlay Afhayeen u hadashay xafiska Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, Billene Seyoum, waxayna u  sheegtay wakaaladda wararkan AFP in Ethiopia ay “soo dhoweyn diirran” u sameysay Madaxweyne Xassan ayna u maamuustay si heer sare ah oo la mid ah sida ay u sameyso madaxda dowladaha dalkaasi u yimid shir madaxeedka.

Waxa ay sheegtay in wafdiga Soomaaliya ka socday ay diideen ciidamada ammaanka ee ay Itoobiya ugu talogashay, islamarkaana ay isku dayeen in ay la galaan goobta shirka ciidamo hubeysan.

“Ka dalka martida loo yahay ahaan, dowladda Itoobiya ayaa mas’uul ka ah amniga dhammaan madaxda iyo dowladaha inta ay dalka ku sugan yihiin,” ayay tiri Billene.

“Ilaalada wafdiga Soomaaliya waxa ay isku dayeen in ay hub la galaan xarunta AUC, taasi oo ay hor istaagaan ciidamada ammaanka AUC,” ayay hadalkeeda raacisay.

Sidoo kale hadalkan ka soo yeeray Dowlada Itobiya ayaysan ka jawaabin Dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in goor dhaw arintaas ay ka hadasho Dowlada Somaliya

Office Nairobi  Kenya

Leave a Reply