War ka soo baxay kooxda Al- Shabaab  ayaa lagu sheegay in ugu dabeyn  ay  geeriyoodeen dhaqaatiir Cuba u dhashay oo in muddo ah ay ku haysteen deegaanada ay xukumaan.

Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay kooxda Al- Shabaab in dhaqaatiirtaas ay ku geeriyoodeen  duqeymo xagga cirka oo  ka dhacay degmada Jilib oo ay [Iyagu] ay maamulaan.

Muddadii Al-Shabaab ay gacanta ku haysay dhaqaatiirta, waxaa fashilmay isku dayo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo daayo.

War soo baxay 2020 ayaa  sheegayay in Kooxda Al-Shabaab ay  sii daaysay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya.

Laakiin markii dambe Cuba ayaa beenisay warkaas .

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Sidoo kale Dhaqaatiirtan ayaa sanadkii 2019 waxay Al-Shabaab ka soo afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya, xili ay halkaas ka wadeen howlo gargaar oo dhinaca Caafimaadka la xiriira.

Office Nairobi  Kenya

 

Leave a Reply