Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in duqeyn culus oo iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Jeex-jeexa ayaa lagu dilay horjooge ajnabi ah oo kamid ahaa madaxda ajaanibta ah ee kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale Howl-galkaan ayaa u dhacay sidii loogu talo galay, ayada oo taliska ciidanka xoogga dalka uu sheegay in lagu guuleystay, islamarkaana lagu dilay horjaagaha ajnabiga ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Lubnaan.
Ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalmka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ee ay ka fulinayaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, oo ayadu bilihii dambe wajaheysa guluf xooggan oo ka dhan ah.
Office Nairobi Kenya