.

 

Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo qaadatay hadal uu jeediyay Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane (Kulane Jiis), kaasi oo u muuqda mid ay uga dhuumaneyso jabka lagu gaarsiiyay gulufka socda.

Kulane oo ahaa gacata midig ee Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa u muuq     da in hadalkaan uu ku dhiiri galiyay  Al-Shabaab, asaga oo ka been sheegay Ciidamada qalabka sida.

 

Kulane Jiis  ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug, kaasi oo uu sheegay in ciidanka uu kasoo gaaray khasaare xooggan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sida muuqata hadalka Kulane oo horey usoo noqday Taliye ku-xigeenka NISA ka raadinaysa nafis, si ay ugu yaraan indhaha dadka raacsan u tusto in dagaalka ku gacan sareyso, ayada oo xaqiiqdu tahay taasi bedelkeed.

Office Nairobi Kenya

 

Leave a Reply