Waxaa caawa Muqdisho ka taagan xaalad adag kadib markii Maleeshiyaadka Al-shabaab ay laayeen Ciidamo iyo saraakiil tababar uga socday xerada Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho.
Taliyayaasha Ciidamada sida Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Milatariga ayaa goor dhawayd gaaray Halka ay mashaqada ka dhacday ee xerada Jeneraal Goordon Magaalada Muqdisho, si ay u qimeeyaan xaalada iyo meesha waxa ka dhacay.
Sidoo kale ispitaalka Digfeer iyo Wadooyinka laga soo galo ayaa la xiray, waxaana la geeyay dhaawacyadii Ciidamada meesha ku dhaawacmay oo iskugu jira Imaaraad iyo Somali.
Dhinaca kale waxaa Xiran Wadooyinka Muqdisho, waxaana lagu daadiyay Ciidamo Boolis ah iyo Nabadsugida, waxaana la baarayaa dadka iyo gaadiidka.
Office Nairobi Kenya