Saacad kadib Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii uu caawa fuliyey askari ka tirsanaa ciidankii tababarka ku qaadanayey xerada Jeneraal Goordon ee magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, isla markaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka.
Sidoo kale Saraakiisha Imaaraadka ah ee halkaas lagu dilay waxay Shabaabku sheegeen inay kala ahaayeen Taliyihii howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii tababarrada, madaxii sirdoonka iyo madaxii saadka iyo gaadiidka, balse ma jirto xog ka madax banaan warka Al-Shabaab oo cadeyneysa in saraakiishaas ay dhinteen.
Kala soco Bogan wixii ku soo kordha arintaas
Office Nairobi Kenya