Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in goor dhawayd uu iska Casilay Xilkii Wasiirnimo Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo ahaa wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland.
Wasiirka ayaa ka soo jeeda Beesha Ciise ee Dagta goobta haatan laga gaday Xabashida, waxa uuna sheegay in lala Xisaabtamo Muuse Biixi.
Wasiirka ayaa sheegay in uu iska casilay xilka xukuumadda madaxweyne M uuse Biixi ee wakhtigeedu dhamaady, sida uu goordhaw baahiyey Talefeshinka Horyaal ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiir Caateeye ayaa is casilaadiisa u sababeeyey in uu kasoo horjeedo heshiiska Soomaalidu ka carootay ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya, kaas oo 1-dii bishaan magaalada Addis Ababa ku dhex maray Biixi iyo Abiy.
Wasiir Cabdiqani Caateeye ayaa ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Saylac, wuxuuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ee diiday damaca Muuse Biixi iyo Itoobiya uu ku qalbi yahay, isagoo wacad ku maray in marnaba aysan Xabashi iman doonin dhulka Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya