Waxaa goor dhawayd soo idlaaday kulan u dhaxeeyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku ansixyay habraaca wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah.
Kulankan oo aad isha loogu hayay ayaa ugu dambeyn lagu meel mariyay xeerkan oo aad ay diidaneyeen xubnaha mucaaradka.
Waxaa ogolaaday habraaca 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale Qaar kamid xildhibaanada ayaa markii hore isku dayay inay hor istaagaan habraaca, kuwaas oo buuq ka sameeyay golaha, balse ugu dambeyn waa la ansixiyay.
Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo kamid ah xubnaha baarlamaanka oo ka hadlayay kulankii maanta ayaa sheegay in xildhibaanada qaar ay isku dayeen is hortaag, balse laga guuleystay.
Office Nairobi kenyya