\Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ku qaldantay in ay saxeexdo in maamulka hawada laga soo wareejiyo hay’addi maamuli jirtay oo lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya.
Waraysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Somaliland, ayuu ku sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaga baxday heshiisyo dhawra oo ay hore u wadagaleen, kuwaasi oo ay ku jirtay in hawada la wada maamulo, kadib markii laga soo wareejiyay hay’adii hore gacanta ugu haysay.
“Markii Ekow laga soo wareejinayay, Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku saxeexeen aynu kala soo wareego Ekow oo inagu aynu qaybsano, halka Somaliland ayaa qaldantay, cidii markaa joogtay ayaa ilduuftay, ilduufku wuu dhaca, sifiican ayay uga faa’iidaysteen oo waxay yidhahdeen gobol ayaadtahay” ayuu yidhi Biixi.
Sidoo kale Muuse Biixi waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay sidookale ka baxday heshiiska qaybsiga deeqaha, isla markaana ay caalamka u sheegtay in Somaliland deeqaheeda lasoo mariyo Bangiga Dhexe ee Dowlada Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland diiday.
Office Nairobi kenyya