Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulanlkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee (NISA) oo loo magacaavay Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka.
Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taas oo ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.
“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka.
Sanboolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Sidoo kale Mahad Salaad ayaa xilkan iska casilay, wuxuuna u hanqal taagayaa hoggaanka sare ee Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socodta ee Galmudug.
Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Muqdisho