Warar dheeraad ah ayaa  kasoo baxaya dil argagax leh oo xalay wiil dhalinyaro ah loogu gaystay duleedka Muqdisho, kaas oo mindi loo adeegsaday.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saciid Cabdulle Maxamed ayaa waxaa weerar kusoo qaaday nin ku hubeysan mindi, kaas oo ku dilay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay marxuumka uu ka yimid GYM, waxaana mindida ay uga dhacday dhanka wadnaha, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyooday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu baxsaday ninkii hubeysanaa ee marxuumka u dilay sida arxan darrada ah, waxaana sidaa noo xaqiijiyay dadka degaanka.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply