Ergayga gaarka ah ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa sheegay heshiiskii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi inuu ahaa mid lagu majo xaabinayay sii socoshada wada hadalada labada dhinac.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay dowladdu inay rajo wanaagsan ka qabtay wada hadalada mar kale dib u bilowday iyo qodobadii kasoo baxay shirka ka dhacay dalka Jabuuti.

Hase ahaatee, heshiiska Ethiopia ay la gashay Somaliland ayuu sheegay inuu Soomaaliya ku noqday arrin laga fajaco oo aysan dowladdu marna filayn inay ka suurtowdo Somaliland.

Sidoo kale Guuleed wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya inay qadarin weyn u hayso Somaliland ayna diyaar u tahay in mar walba laga shaqeeyo sidii ay wada hadaladu usii socon lahaayeen.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply