Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in Wasiirada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr, Maryama Mohamed Hussein ay labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah (Ambulance) islamarkaana loogu talagaley fududeynta adeegga Caafimaadka ku wareejisay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madaxtooyada. Soomaaliya
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna kusimaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa sheegtay in Gawaaridan qalabaysan ay wax wayn ka tari doonaan fududeenta adeegyada Caafimaadka ee Isbitaalka Madaxtooyada Qaranka.
Sidookale Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Villa Soomaaliya Dr. Hussein Mohamud Hussein ayaa ka mahadceliyey Gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna tilmaamey inay qeybwayn ka qaadan doonaan hawlaha iyo adeegyada caafimaad ee Madaxtooyada Qaranka.
Xafiiska Wararka Muqdisho