Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ayaa ka qaybgalay salaadda janaasada iyo aaska maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo saaka lagu aasay magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Cabdinaasir.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasabadda aaska ayaa sheegay in Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waydiinayaan sababta loo dilay Cabdinaasir Dahable.
“Dawladda Xasan Sheekh waxaan ka dooneynaa, ninkani muxuu muteystay, maxaa loo dilay, taas oo jawaabteeda la helo mooyaane, haddii la waayana, waxay ila tahay waa bareer” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Sidoo kale Dad kii ka qaybgalay aaska ayaa marxuumka Rabbi uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehel kii iyo saaxiibbadii uu ka tagayna uu samir ka siiyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho