Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa muujisay sida ay uga xun tahay in Washington ay mar kale u adeegsato awoodda diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay uga hortagto soo saarista qaraar ku baaqaya xabbad-joojin ka dhacda marinka Qasa, iyo in la joojiyo waxa ay wasaaraddu ku tilmaantay war qoraal ah oo ah “gardarrada arxan darada ah ee ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dadka aan difaaca lahayn ee Falastiin tan iyo in ka badan afar bilood.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa muujisay sida ay uga xun tahay carqaladeynta qabyo qoraalka qaraarka xabbad-joojinta, waxayna ku nuuxnuuxsatay bayaan ay soo saartay in waxa Qasa ka dhacaya ay daaha ka rogaan, marba marka ka dambaysa, laba-wajiileynta iyo mawqifyada kala gedisan ee beesha caalamka ee ku aaddan dembiyada dagaal ee joogtada ah ee ay ku dhaqmaan Israa’iil oo ka dhan ah dadka Falastiiniyiinta, gaar ahaan carruurta iyo haweenka iyo dareen la’aanta xaaladaha bini’aadantinimo ee xun ee marrinka.
Saldanada Cumaan ayaa ku biirtay “ka qoomamaynta iyo cambaareynta” waxa ay ku tilmaantay guul-darradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “in ay ka soo saaraan qaraar xabbad-joojin ah marinka Qasa taasoo ka dhalatay isticmaalka soo noqnoqda ee diidmada qayaxan,” sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa carabka ku adkeysay in “loo baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka si uu u guto mas’uuliyadiisa ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah si kalsooni leh oo aan lahayn munaafaqayn.” Waxa ay sidoo kale ka digtay waxa ay ku tilmaantay “Xaaladda bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Qasa iyo nawaaxigeeda iyo kordhinta hawlgallada milatari ee khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah oo aan u adeegayn dadaal kasta oo ku baaqaya wadahadal iyo xal nabadeed oo lagu gaaro arrinta Falastiiniyiinta si waafaqsan go’aamada caalamiga ah ee khuseeya.”
Shiinaha ayaa ku eedeeyay Washington in ay ogolaatay “in xasuuqa uu ka sii socdo” Qasa, iyo wakiil ka tirsan Beijing oo sheegay in diidmada qayaxan ay dirayso fariin khaldan.
Xafiiska Wararka Muqdisho