Xafiis xiriir la leh Ciidamada Abaabulka ee caanka ah, oo ku yaal gobolka Babil ee koonfurta Ciraaq, ayaa lagu weeraray gantaal, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan booliiska Ciraaq.
Ilo-wareedyada ayaa sheegay in dad aan haybtooda la aqoonsan ay xafiiska la beegsadeen subaxnimadii Arbacada qoriga Baasuukaha ee RPG-7, isagoo aan geysan wax khasaare ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay xireenxafiiska iyo agagaarkiisaba.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii isla gobolka lagu dilay dhaq-dhaqaaqe Sadrist Ayser Al-Khafaji, iyadoo la afduubay Axadii lasoo dhaafay, waxaana meydkiisa la helay maalintii xigtay ee afduubkiisa.
Xafiiska Wararka Muqdisho