Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mohamed Al-Saeed Ahmed Albaz.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ayaa kala hadlay Safiirka xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaha lagu qoto-dheerayn karo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Sidoo kale Kulanka ayaa lagu soo hadal-qaaday dhowr qodob oo muhiimad gaar ah leh oo la jaan-qaadaya dano wadaagga iyo ujeeddooyinka hiigsiga leh, iyadoo sidoo kale diiradda la saarray ballaarinta hindisayaasha karti-dhisidda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply