October 5, 2024

 

Wararka ka imaanaya magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qadar  oo ay Booqasho ku joogaan wafdi ka socda Golaha Wasiirada Somaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen kulamo looga hadlayo amaanka Somaliya.

 

Kulankaan ayaa waxaa wada yeeshay Wasiir ku xigenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya  Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Qadar Dr; Khalid bin Mohamed al-Attiyah.

 

Sidoo kale Kulanka labada mas’uul ayaa qayb ka ahaa in ka badan 70 dowladood oo lagu marti qaaday shir sanadeedka bandhigga difaaca badaha caalamiga ah ee Dooxa (DIMDEX 2024) oo la qabtay sanadkii siddeedaad.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply