February 11, 2025

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Somaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa booqasho sharafeed xafiiskiisa ugu yimid mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay goob joog ka ahayd Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo mudane Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara.

Sidoo kale Madaxa xafiiska UNHCR ee Soomaaliya Mr. Charles ayaa Wasiir Fiqi uga warbixiyay qorsheyaashooda iyo howlaha ay fuliyaan mudadda soo socota, gaar ahaan wax kaqabashada xaaladda qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo Barakacayaasha isaga oo carabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay in si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Hey’addeeda NCRI.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply