Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi,ayaa goordhow khudbad kajeediyay munaasabadda daahfurka ” 𝐌𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢’𝐝𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚” isaga oo hadaljeedintiisa uga hadlay Is-waafajinta Mabaadi’da Nabadda  iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran ee  (NRF).

“𝐉𝐨𝐨𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧𝐧𝐚 𝐡𝐚𝐥𝐤𝐚𝐧𝐢,  𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐚𝐲 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐢𝐪𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐛𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐥𝐞𝐞𝐱𝐥𝐞𝐞𝐱𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨❜𝐚𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐣𝐢𝐫 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa isaga oo intaa raaciyay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi oo sii hadlaya ayaa sheegay in hey’adda “ Principles for Peace” ay u ololeyso nabad-dhiska isaga oo soo qaatay miisaanka  iyo qiimaha ay u yeeleyso ka mid ahaanshiyaha marwo Dr. Khadiija Cosoble Cali ee maamulka sare ee hey’adda iyada oo hey’addu ka tarjumaya keenidda aragti qiimo leh oo ku aaddan dadaalka wadajirka ah ee nabadda.

Dhanka kale, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in munaasabadda daahfurka “Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya” ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta qaran kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daah furaayo.

Ugu dambeyntii, Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu  hoosta ka xariiqay in ay is-waafaqsan yihiin qodobbada Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran ee  (NRF) iyo Mabaadi’da Nabadda, ayna labduba ujeedkoodu yahay kashaqeynta xasillooni iyo nabad waarta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply