March 5, 2026

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi,ayaa goordhow khudbad kajeediyay munaasabadda daahfurka โ€ ๐Œ๐š๐›๐š๐š๐๐ข๐ขโ€™๐๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐šโ€ isaga oo hadaljeedintiisa uga hadlay Is-waafajinta Mabaadiโ€™da Nabaddaย  iyo Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran eeย  (NRF).

โ€œ๐‰๐จ๐จ๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ข๐ง๐ง๐š ๐ก๐š๐ฅ๐ค๐š๐ง๐ข,ย  ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ช๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐ค๐š ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ž๐ฑ๐ฅ๐ž๐ž๐ฑ๐š๐๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ ๐จโœ๐š๐š๐ง ๐ฐ๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐š๐ง ๐ช๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ง๐š๐›๐š๐๐๐šโ€ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa isaga oo intaa raaciyay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan iyo dhaqammo kala duwan leh hadana yoolkoodu yahay in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi oo sii hadlaya ayaa sheegay in heyโ€™adda โ€œ Principles for Peaceโ€ ay u ololeyso nabad-dhiska isaga oo soo qaatay miisaankaย  iyo qiimaha ay u yeeleyso ka mid ahaanshiyaha marwo Dr. Khadiija Cosoble Cali ee maamulka sare ee heyโ€™adda iyada oo heyโ€™addu ka tarjumaya keenidda aragti qiimo leh oo ku aaddan dadaalka wadajirka ah ee nabadda.

Dhanka kale, Mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in munaasabadda daahfurka โ€œMabaadiiโ€™da Nabadda ee Soomaaliyaโ€ ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta qaran kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daah furaayo.

Ugu dambeyntii, Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uuย  hoosta ka xariiqay in ay is-waafaqsan yihiin qodobbada Hannaanka dib u heshiisiinta Qaran eeย  (NRF) iyo Mabaadiโ€™da Nabadda, ayna labduba ujeedkoodu yahay kashaqeynta xasillooni iyo nabad waarta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply