Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Turkiga ( TIKA), xafiiska Soomaaliya Zafer Eşki.

Wasiirka iyo Madaxa hay’adda ayaa la wadahadley iskaashiga labada dal ee dhinaca horumarinta Warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska

Dhinacyada ay TIKA iska kaashanayaan Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa ka mid ah barnaamijka casriyeynta keydka cajaladaha , horumarinta qalabka telefishinka , Raadiyaha Iyo Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA hawlaha samafalka ee ay Soomaaliya ka wadeen dhowrkii sanno ee la soo dhaafey, isagoo xusay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay abaal weyn u hayaan Turkiga iyo shacabkeeda.

Madaxa TIKA ee Soomaaliya Mr. Eşki ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay sii laba-laabayaan Iskaashiga iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply