Maamulka Puntland ayaa mar kale qeylo dhan ka keenay tallaabooyinka dowladda federaalku waddo ee ay ku doonayso inay wax kaga beddesho dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka.
Wasiirka caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo inuu meesha ka saaro heshiiska dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay horseedayso inuu dalku galo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.
Sidoo kale Wasiirka caddaaladda Puntland wuxuu sheegay, in Puntland ay ogoshahay wax ka beddelka dastuurka in loo maro waddo sax ah oo waafaqsan cutubka 15-aad ee dastuurka, kaasoo sheegaya in wax ka beddelkiisa loo maro habraac uu dastuurku sheegayo oo ah in heshiis iyo wadatashi loo dhan yahay laga sameeyo.
Office Nairobi Kenya