Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Hoggaanka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

 

Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka 𝗠𝗱. 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 iyo Maareeye ku-xigeenka Md. 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱 ayaa Wasiirka Warbixin guud ka siiyey howlaha shaqo ee ka socda Hey’adda.

Maareeye 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮  ayaa sheegay in 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 ay qabtay Shaqooyin Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeer-nidaamiyaha Xaqiiqjinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah, hirgalinta Xarunta Howlaha Kormeerka Hirarka iyo adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo shaqooyin kale oo badan.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hoggaanka Hey’adda dadaalka shaqo ay wadaan, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay sii labo jibaaraan Shaqada ay u hayaan Qaranka.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗲𝗸𝗻𝗼𝗹𝗼𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 markii uu xilka la wareegay Shaqada Wasaaradda waxa uu dardargalin ku bilaabay Shaqooyinka socda, iyada oo laga duulay Tayenta iyo habsami usocoshada Howlaha Wasaaradda iyo Hey’adaha hoosyimaada.

𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 oo hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply