Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo la hadlay saxaafada ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.
Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.
Dirir ayaa haatan raalli-gelin buuxda siiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed oo aad ‘u dhibsaday eedeynta uu jeediyay wasiirka.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Sheekh Umal uu yahay caalim wayn, wuxuuna kula taliyay inuu beddelo fikirkiisa, sida uu hadalka u dhigay.
Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.
Sidoo kale Raali-gelinta wasiirka ayaa u eg mid Qabyaaladaysan oo uu siiyay kaliya shekh Umul waxayna soo gabagabeyneysa hadal heyntii qabsatay baraha bulshada, kadib dagaalka ka dhex qarxay Wasiir Maxamuud Cayiid Dirir iyo Sheekh Umal.
Xafiiska Wararka Muqdisho