Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan nabadsugidda Muqdisho,
Askartan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal dhac iyo khamri. Kormeeraha Labaad Aslub Nuur Iidle Salaad, C/salaan Arwaax Shariif iyo Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah. Nimco Maxamuud Cali oo ah haweeneyda kaliya ee kooxdaasi ka tirsan ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in kooxdan ay gaari u adeegsadeen falal dhac ah oo ka dhacayay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay raggan bishii sideedaad ee sanadkii hore, markii ay gaariga ka heleen Garaash ku yaala Degmada Hodan. Maxkamadda ayaa xustay in waqti ku filan la siiyay difaaca ka hor inta aan la xukumin.
Xafiiska Wararka Muqdisho