Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa Xilkii ka qaaday Duqii magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isagoona magacaabay Duqa cusub ee magaalada.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiir Cabdi Daahir ayaa waxaa xilka Duqa ee Baladweyne loogu magacaabay inuu noqdo Cabdullaahi Salaad kugeey, kaasi oo bedelaya Duqii hore ee magaaladaasi Nadar Tabaax Macalin.
Hay’adda ammaanka Maamulka cusub Hiiraan iyo kuwa Baladweyne ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Cabdullaahi Salaad kugeey, isla markaana waxaa isna mas’uulka cusub laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.
Xafiiska Wararka Muqdisho