Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Guddoomiyay shirka dib-u-eegista barnaamijka JPP Wajigiisa 2-aad oo looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ay muhiim tahay in la helo Ciidan Boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha Ciidanka.

Mudane Fartaag ayaa sheegay in casharadii laga bartay wajigii koowaad ee barnaamijkan ay tahay in lagu kabo wajiga labaad, isaga oo intaas ku daray in loo diyaar garoobo bixitaanka ATMIS ee dhammaadka sanadkan, taas oo muhiim ka dhigaysa in la helo Ciidan Boolis oo beddeli kara.

Shirkan waxaa ka qaybgelay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Wasiirrada Amniga Gudaha Dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, xubno kamid ah Booliska, deeqbixiyayaasha iyo UNSOM.

Xafiiska wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply