Wararka ka imaanaya Dagmada Baxdo ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye oo maalmahaan howlo shaqo oo ku aadan u kuurgalida Xaaladaha Bulshada ku marayay deegaanno farabadan oo ka mida kuwa ku yaala Goballada Mudug iyo Galguduud kuwaa oo ay ka mid yihiin deegaanadii laga xoreeyay khawaarijta isla markaana la oran karo bulshada ku nooli 15 sano kadib waxa ay dareemeen neecawda dowladnimo ayaa markii ay gaareen dagmadaasi waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka iyo shacabka dagmada Baxdo.

sidoo kale Wasiirka iyo Wafdigiisa oo ay garab socdaan Maamulka Dagmada Baxdo ayaa kormeer ku sameeyay dagmadaasi oo xiligaan wax weyn iska badaleen xaaladda ay ku nool yihiin bulshada halkaasi ku dhaqan iyagoona warbixino nolashooda ku saabsan ka dhageeystay Guddoomiyaha dagmada Dagmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi iyo Qaar ka mida shacabka dagmada Baxdo kuwaa oo sheegay in dagmada Baxdo ay xiligaan kasoo kabatay dhibaatooyin farabadan oo ay ka mid tahay Cabsidii dadku ka qabi jireen Arxan laawayaasha

Guddoomiyaha dagmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in Baxdo ay tahay mid Amnigeeda la isku haleeyn karo dhan walba sidoo kalana ay diyaar u yihiin in ay mar kasta ka qeyb qaataan Ciribtirka Khawaarijta

 

 

Xafiiska wararka Muqdisho

 

 

 

Leave a Reply