Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA)
Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.
Sidoo kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Cali Yuusuf Cali ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho