Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta sedax Gaari oo labo ka mid ahi yihiim nooca gargaarka deg degga ah (Ambulance) halka kan sadexaadna uu yahay nooca Hartop-ka oo isgaguna loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Galmudug.

Munaasabadda Wareejinta Gawaarida waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowlad gobaleed Galmudug Cabdiwali Maxamed Axmed iyo xubno kale.

Sidoo kale gaadiidkan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la geeyo Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo Deegaanada kale ee Maamulka Galmudug.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply