Weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsi ee ku safra badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa fursad cusub u abuurtay burcad badeeda Soomaalida oo tan iyo sanadkii 2017-kii aan geysan wax afduub ah.
Howlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay jiraan ugu yaraan laba kooxood oo burcad badeed ah oo hadda ka howlgala Bariga Badweynta Hindiya, waxaana ay adeegsanayaan Doomaha ay afduubeen si ay ugu soo qabsadaan maraakiib waaweyn. Tani waxay sare u qaaday dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda sanadkan.
Sidoo kale Afduubkii ugu horreeyay ayaa dhacay 22-kii Nov, markaasoo burcad-badeed Soomaalida ay xeebaha Puntland ka qabsadeen doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Al Miraj 1 oo laga leeyahay dalka Iran, iyagoo dalbadey lacag madax-furasho ah oo dhan 400,000 oo dollar.
Office Nairobi Kenya