Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay aad uga naxeen geerida Alexei Navalny oo la sheegay in uu dhintay, iyaga oo oo intaa ku daray in ay tahay in uu baaritaan ku sameeyso hay’ad madax banaan.
War qoraal ah oo ka soo baxay magaalada Geneva xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in marar badan uu walaac ka muujiyay xariga Navalny, kaasoo u muuqday mid sharci darro ah.
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa si cad ugu baaqay in la sii daayo xagaagii hore, isagoo sheegay in xukunkiisa dheer uu muujiyay in Ruushka uu nidaamka maxkamada u isticmaalo arimo siyaasadeed.
Office Nairobi Kenya