April 25, 2025

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayey kulan ay xukuumaddiisu la lahayd beesha caalamaka ayaa su’aal galiyey halka uu ka jiro musuqmaasuqa Soomaaliya.

“Ma aniga ayaa musuqmaasuq sameeya? xagee musuqmaasuqu ka jiraa? ma heerka wasiiradaa? mise Xalanay fadhidaa?” su’aalahan iyo kuwa kale ayuu isdaba dhigay raysal wasaaraha oo aad mooddu in uu quul daraynayo kaalinta ay Soomaaliya ka gasho musuqmaasuqa sannad walba.

Raysal wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa waydiiyey “away wasaaraddi maaliyaddu?” wuxuuna ku kaftamay “xagganuu fashilku ka jiraa marka” kadib markii lagu war galiyey in aysan fadhinin wasaaraddii maaliyaddu.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ay tahay beesha caalamka waxa la dhisay nidaamyada maaliyadda haddana ay isla iyaga yihiin kuwa aan ku kalsoonayn oo meela kale soo mara badankoodu sida uu sheegay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply