December 4, 2024

Xidhiidhka Turkiga iyo Afrika ayaa siyaabo badan isku bedelay labaatankii sano ee uu xukunka hayay Recep Tayyip Erdogan.

Muddadaas Turkigu, waxa uu saldhigyo ciidan ka dhistay qaybo ka mid ah qaaradda sida Soomaaliya, Marooko, iyo Tuuniisiya xilli sida oo kale uu taageerayay dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayay Liibiya.

In ka badan 20,000 oo ciidamo gaar ah ayaa muddadaas loo tababarayrayo Soomaaliya, sida oo kalena waxa uu dugsiyo islaami ah ka dhisay dalka Senegal.

Dhanka Turkiga, gaar ahaan madaxweynaha, Afrika waxay u ahayd door muhiim ah. Sannadkii 2011-kii oo ay jirtay abaar ba’an, Erdoğan waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda caasimadda Soomaaliya.

BBC

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply