
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo u socday Madaxda Hay;adaha amniga oo ay ugu horeysa NISA iyo Madaxda shirkada. Hormuud .
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta NISA ayaa socday 2 maalin ee la soo dhaafay, waxaana iskugu yimid saraakiisha amaanka Dalka uu ka mid Yahay Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad.
Kulamadan ayaa waxaa looga wada-hadlay xiisadda taagneyd maalmihii dambe iyo sidii loo xoojin lahaa ka wada-shaqeynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.
Sidoo kale saraakiil ka qeyb gashay Kulankaan ayaa u Xaqiijiyay somaliglobe.net ayaa u sheegay in shirkada Hormuud ay ogolaatay in shaqsi kasta oo Tuhun soo gala ee isticmaala Taleefanka Hormnuud ay Hay’adda NISA ay la wadaagto xogta qofkaas ku aadan.
Office Nairobi Kenya