Dr. Dessalen Chane, oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiilada ee u matala ururka Axmaarada (ABN) ayaa waxaa xabsiga u taxaabay ciidamada amaanka dowlada sida ay sheegeen qoyskiisa. Xariga ayaa dhacay Arbacadii Janaayo 22, 2016, taarikhda Itoobiya iyadoo afar ka mid ah ciidamada nabadsugidda hubeysan ay ku lug lahaayeen, kuwaasoo labo ka mid ah ay xirnaayeen dareeska ciidamada booliska dowladda federaalka.
Sidoo kalr Dr. Dessalen Chane ayaa caan ku ah dhaleecayn xooggan iyo fikrado oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xilliyada uu socdo shirarka Aqalka Hoose. Waxaa xusid mudan in uu ka maqnaa kulamadii u dambeeyay ee baarlamaanka.
Office Nairobi Kenya